அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்

Ar-raxmaan

external-link copy
1 : 55

ٱلرَّحۡمَٰنُ

1. (Allaah) Raxmaanka, info
التفاسير:

external-link copy
2 : 55

عَلَّمَ ٱلۡقُرۡءَانَ

2. Wuxuu baray Qur'aanka. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 55

خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ

3. Abuuray dadka. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 55

عَلَّمَهُ ٱلۡبَيَانَ

4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 55

ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ بِحُسۡبَانٖ

5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 55

وَٱلنَّجۡمُ وَٱلشَّجَرُ يَسۡجُدَانِ

6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan (Alle dartiis)1. info

1. Xiddigaha waxaa caabudi jirey qaar ka mid ah Carabta waagii Jaahiliyadda. Halka xiddigaha iyo geeduhuba u sujuudaan Alle, oo u hoggaansan yihiin Xeerarkiisa.

التفاسير:

external-link copy
7 : 55

وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلۡمِيزَانَ

7. Samada (Alle) wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad(iyo garsoor wanaagsan). info
التفاسير:

external-link copy
8 : 55

أَلَّا تَطۡغَوۡاْ فِي ٱلۡمِيزَانِ

8. Si aydaan uga gudbin cadaaladda. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 55

وَأَقِيمُواْ ٱلۡوَزۡنَ بِٱلۡقِسۡطِ وَلَا تُخۡسِرُواْ ٱلۡمِيزَانَ

9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 55

وَٱلۡأَرۡضَ وَضَعَهَا لِلۡأَنَامِ

10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 55

فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَٱلنَّخۡلُ ذَاتُ ٱلۡأَكۡمَامِ

11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 55

وَٱلۡحَبُّ ذُو ٱلۡعَصۡفِ وَٱلرَّيۡحَانُ

12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 55

فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

13. Ee taa baad Nicmooyinka (Alle) Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)? info
التفاسير:

external-link copy
14 : 55

خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ كَٱلۡفَخَّارِ

14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 55

وَخَلَقَ ٱلۡجَآنَّ مِن مَّارِجٖ مِّن نَّارٖ

15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab (halka malaa’igta uu ka abuuray nuur ifiya). info
التفاسير:

external-link copy
16 : 55

فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan? info
التفاسير:

external-link copy
17 : 55

رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ وَرَبُّ ٱلۡمَغۡرِبَيۡنِ

17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed2. info

2. Waa halka iyo dhibcaha ay ka soo baxaan qorraxda subaxii dhanka bari iyo halkay u dhacaan galabkii xilliyada jiilaalka iyo xagaayada.

التفاسير:

external-link copy
18 : 55

فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan? info
التفاسير: