அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்

பக்க எண்:close

external-link copy
128 : 4

وَإِنِ ٱمۡرَأَةٌ خَافَتۡ مِنۢ بَعۡلِهَا نُشُوزًا أَوۡ إِعۡرَاضٗا فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَآ أَن يُصۡلِحَا بَيۡنَهُمَا صُلۡحٗاۚ وَٱلصُّلۡحُ خَيۡرٞۗ وَأُحۡضِرَتِ ٱلۡأَنفُسُ ٱلشُّحَّۚ وَإِن تُحۡسِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا

128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho50 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan. info

50. Eeg macnaha nushuush ee xagga xaaska sharaxa suuradda An-Nisaa Aayadda 34. Nushuushka ninka waa inuu si qallafsan ula dhaqmo xaaska oo ku adadkaado, iyo inuu diido inuu u tago oo u galmoodo, oo uusan siin masruuf iyo marasho.

التفاسير:

external-link copy
129 : 4

وَلَن تَسۡتَطِيعُوٓاْ أَن تَعۡدِلُواْ بَيۡنَ ٱلنِّسَآءِ وَلَوۡ حَرَصۡتُمۡۖ فَلَا تَمِيلُواْ كُلَّ ٱلۡمَيۡلِ فَتَذَرُوهَا كَٱلۡمُعَلَّقَةِۚ وَإِن تُصۡلِحُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا

129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan 'xumaha', Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan. info
التفاسير:

external-link copy
130 : 4

وَإِن يَتَفَرَّقَا يُغۡنِ ٱللَّهُ كُلّٗا مِّن سَعَتِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ وَٰسِعًا حَكِيمٗا

130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Alle waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xigmad Badan yahay. info
التفاسير:

external-link copy
131 : 4

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَلَقَدۡ وَصَّيۡنَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَإِيَّاكُمۡ أَنِ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَنِيًّا حَمِيدٗا

131. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle, haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Hodan, Ammaanan. info
التفاسير:

external-link copy
132 : 4

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا

132. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waa ku filan yahay Alle Wakiil ahaan. info
التفاسير:

external-link copy
133 : 4

إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ أَيُّهَا ٱلنَّاسُ وَيَأۡتِ بِـَٔاخَرِينَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ ذَٰلِكَ قَدِيرٗا

133. Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Alle wuu Kara inuu sidaa yeelo. info
التفاسير:

external-link copy
134 : 4

مَّن كَانَ يُرِيدُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ ثَوَابُ ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا

134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka. info
التفاسير: