அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்

பக்க எண்:close

external-link copy
101 : 3

وَكَيۡفَ تَكۡفُرُونَ وَأَنتُمۡ تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ وَفِيكُمۡ رَسُولُهُۥۗ وَمَن يَعۡتَصِم بِٱللَّهِ فَقَدۡ هُدِيَ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Alle, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka). info
التفاسير:

external-link copy
102 : 3

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِۦ وَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنتُم مُّسۡلِمُونَ

102. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka cabsada Alle ka cabsashada xaqa ah uu mudan yahay (oo u dhowra si dhan Amarradiisa), hana dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Alle). info
التفاسير:

external-link copy
103 : 3

وَٱعۡتَصِمُواْ بِحَبۡلِ ٱللَّهِ جَمِيعٗا وَلَا تَفَرَّقُواْۚ وَٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ كُنتُمۡ أَعۡدَآءٗ فَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِكُمۡ فَأَصۡبَحۡتُم بِنِعۡمَتِهِۦٓ إِخۡوَٰنٗا وَكُنتُمۡ عَلَىٰ شَفَا حُفۡرَةٖ مِّنَ ٱلنَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنۡهَاۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ

103. Oo si sugan u qabsada (Xadhiga) Axdiga Alle (Islaamka) dhammaantiin, hana qaybsamina, xusuustana Nicmadda Alle dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); waxaadna qarka u saarnaydeen bohol Naar ah (khilaaf iyo dagaallo sokeeye), markaasuu idinka badbaadshay. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, inaad hanuuntaan. info
التفاسير:

external-link copy
104 : 3

وَلۡتَكُن مِّنكُمۡ أُمَّةٞ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلۡخَيۡرِ وَيَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

104. Ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, amartana samaha oo reebta xumaha. Kuwaana weeye kuwa liibaani. info
التفاسير:

external-link copy
105 : 3

وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ تَفَرَّقُواْ وَٱخۡتَلَفُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ

105. Ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Kuwaana weeye kuwa leh cadaab daran. info
التفاسير:

external-link copy
106 : 3

يَوۡمَ تَبۡيَضُّ وُجُوهٞ وَتَسۡوَدُّ وُجُوهٞۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسۡوَدَّتۡ وُجُوهُهُمۡ أَكَفَرۡتُم بَعۡدَ إِيمَٰنِكُمۡ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ

106. Maalinta wajiyo (qaar) ay nuurayaan, wejiyona ay madoobaan; kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan (waxaa lagu odhan): Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed. info
التفاسير:

external-link copy
107 : 3

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱبۡيَضَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فَفِي رَحۡمَةِ ٱللَّهِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

107. Kuwase ay wajiyadoodu nuurayaan, waxay dhex ahaan Naxariista Alle (Jannada) iyagoo ku dhex waari weligood. info
التفاسير:

external-link copy
108 : 3

تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۗ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلۡمٗا لِّلۡعَٰلَمِينَ

108. Kuwani waa Aayadaha Alle ee aan kuugu akhrinno (Nabi Muxammadow) xaq, Allena lama doono wax dulmi ah uumanka. info
التفاسير: