அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்

பக்க எண்:close

external-link copy
18 : 23

وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءَۢ بِقَدَرٖ فَأَسۡكَنَّٰهُ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابِۭ بِهِۦ لَقَٰدِرُونَ

18. Waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo (roob) qiyaasan, oo waxaan dejinnay dhulka, waana Karnaa inaan la tagno. info
التفاسير:

external-link copy
19 : 23

فَأَنشَأۡنَا لَكُم بِهِۦ جَنَّٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ لَّكُمۡ فِيهَا فَوَٰكِهُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ

19. Waxaana idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 23

وَشَجَرَةٗ تَخۡرُجُ مِن طُورِ سَيۡنَآءَ تَنۢبُتُ بِٱلدُّهۡنِ وَصِبۡغٖ لِّلۡأٓكِلِينَ

20. Iyo geed (zaytuun) ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar kuwa cuna. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 23

وَإِنَّ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَنۡعَٰمِ لَعِبۡرَةٗۖ نُّسۡقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهَا وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ

21. Waxaa idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, waxaana idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, xaggeedaadna wax ka cuntaan. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 23

وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ

22. Korkeeda iyo doonyaha korkooda baana la idinku rar qaadaa. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 23

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ

23. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, miyeydaan ka cabsaneyn Alle oo iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)? info
التفاسير:

external-link copy
24 : 23

فَقَالَ ٱلۡمَلَؤُاْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيۡكُمۡ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَأَنزَلَ مَلَٰٓئِكَةٗ مَّا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِيٓ ءَابَآئِنَا ٱلۡأَوَّلِينَ

24. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi gaaloobay oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, raba inuu idin ka sare maro, hadduu Alle doono, wuxuu soo dejin lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal arrintan (towxiidka) aabbayaashayadii hore. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 23

إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلُۢ بِهِۦ جِنَّةٞ فَتَرَبَّصُواْ بِهِۦ حَتَّىٰ حِينٖ

25. Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin jin ku jiro, ee u samra in muddo ah (intuu ka reysto ama dhinto). info
التفاسير:

external-link copy
26 : 23

قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ

26. (Nuux) wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 23

فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِ أَنِ ٱصۡنَعِ ٱلۡفُلۡكَ بِأَعۡيُنِنَا وَوَحۡيِنَا فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ فَٱسۡلُكۡ فِيهَا مِن كُلّٖ زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَأَهۡلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيۡهِ ٱلۡقَوۡلُ مِنۡهُمۡۖ وَلَا تُخَٰطِبۡنِي فِي ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِنَّهُم مُّغۡرَقُونَ

27. Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, markuu Amarkayagu yimaado, oo burqado tinnaarka, ku qaad doonnida noole walba lammaane (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, hana igala hadlin (arrinka) kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), hubaal waa kuwo la harqin doono. info
التفاسير: