16. Cabdullaah bin Mascuud a.k.r. Waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuul Allow camal kee baa u fiican? Wuxuu yidhi: Salaadda oo waqtigeeda la tukado, wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Labada waalid oo la wanaajiyo oo baarri loo ahaado. Wuxuu weydiiyey: Haddana maxaa xiga? Wuxuu yidhi: In loo jihaado Alle darti. (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).