23. Waxaa loola jeedaa addoomahaa doonaya inay iska xoreeyaan kuwaasi iska leh ee milkiyey iyagoo siinaya qiimo ay ku wada heshiiyaan.
24. Waa xukunnada iyo xeerarka, gaar ahaan kuwa ku soo arooray Suuraddan.
25. Alle waa kan bixiya iyo halka uu ka yimaado nuurka iyo hanuunka.
26. Hanuunkiisa uu ku galladeysto qalbiga addoonkiisa mu’minka ah.
27. Misbaax erey ahaan waxaa weeye liifad ololeysa oo ah gunta nalka.
28. Waa Masaajida Alle.
Abuu Qataadah bin Ribci Al-Ansaari a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Markuu midkiin soo galo masjid waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood. (W.w. Al-Bukhaari)
Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ajarka salaadda ninka ragga ahi uu ku tukado jamaaco ahaan masjid waxay dheer tahay shan iyo labaatan jeer labo laab salaadda uu qofku ku tukado gurigiisa ama dukaankiisa. Maxaa yeelay markuu qofku si fiican u weeseysto oo u aado masjidka salaadda darteed, tallaabadii uu qaadaba waxaa kor loo qaadaa meeqaankiisa hal derejo, hal denbina waa looga tiraa, markuu tukadana, malaa'igtaa u duceysa intuu weesada qabo oo meeshiisa fadhiyo, iyagoo leh: Allow u denbi dhaaf, Allow u naxaariso, intuu salaadda sugayana wuxuu la mid yahay isagoo ku jira salaad. (W.w. Al-Bukhaari).