د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب

external-link copy
44 : 2

۞ أَتَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبِرِّ وَتَنسَوۡنَ أَنفُسَكُمۡ وَأَنتُمۡ تَتۡلُونَ ٱلۡكِتَٰبَۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna9 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin? info

9. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa Maalinta Qiyaame la keeni nin oo lagu tuuri Naarta, markaasuu wuxuu ku dhex wareegaaleysan ehlu Naarka sida dameerka ugu wareegsado shiidkiisa, markaasay isugu soo ururi ehlu Naarka oo weydiin: Hebelow, ma waadan fari jirin samaanta oo reebi jirin xumaanta, markaasuu wuxuu odhan: Waxaan fari jirey samaanta mana fali jirin oo reebi jirey xumaanta anigaana fali jirey.”

التفاسير: