53. Alle wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Alle u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari.