ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫

ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ:close

external-link copy
98 : 18

قَالَ هَٰذَا رَحۡمَةٞ مِّن رَّبِّيۖ فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ رَبِّي جَعَلَهُۥ دَكَّآءَۖ وَكَانَ وَعۡدُ رَبِّي حَقّٗا

98. (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigayna waa xaq. info
التفاسير:

external-link copy
99 : 18

۞ وَتَرَكۡنَا بَعۡضَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ يَمُوجُ فِي بَعۡضٖۖ وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَجَمَعۡنَٰهُمۡ جَمۡعٗا

99.Waxaana u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale, waxaana la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan24. info

24. Maalinta dhismahaa weyn ee lagu xiray Ya’juuj iyo Ma’juuj la burburiyo.

التفاسير:

external-link copy
100 : 18

وَعَرَضۡنَا جَهَنَّمَ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡكَٰفِرِينَ عَرۡضًا

100. Waxaana u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig. info
التفاسير:

external-link copy
101 : 18

ٱلَّذِينَ كَانَتۡ أَعۡيُنُهُمۡ فِي غِطَآءٍ عَن ذِكۡرِي وَكَانُواْ لَا يَسۡتَطِيعُونَ سَمۡعًا

101. Kuway indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada25, ee aan kari jirin inay maqlaan (Waanada). info

25. Waa Calaamooyinka Alle, ama Qur’aanka.

التفاسير:

external-link copy
102 : 18

أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَن يَتَّخِذُواْ عِبَادِي مِن دُونِيٓ أَوۡلِيَآءَۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ نُزُلٗا

102. Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada. info
التفاسير:

external-link copy
103 : 18

قُلۡ هَلۡ نُنَبِّئُكُم بِٱلۡأَخۡسَرِينَ أَعۡمَٰلًا

103. Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan? info
التفاسير:

external-link copy
104 : 18

ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعۡيُهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ يُحۡسِنُونَ صُنۡعًا

104. Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan? info
التفاسير:

external-link copy
105 : 18

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فَلَا نُقِيمُ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَزۡنٗا

105. Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa26. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha. info

26. Waxay diidaan inay dhageystaan Qur’aanka ama fahmaan oo waxay beeniyaan Maalinta Dambe ‘ Aakhirada’.

التفاسير:

external-link copy
106 : 18

ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمۡ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُواْ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَرُسُلِي هُزُوًا

106. Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees. info
التفاسير:

external-link copy
107 : 18

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَانَتۡ لَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلۡفِرۡدَوۡسِ نُزُلًا

107. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws27 degitaan (marti qaad) ahaan. info

27. Al-Firdaws waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada.

التفاسير:

external-link copy
108 : 18

خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبۡغُونَ عَنۡهَا حِوَلٗا

108. Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan). info
التفاسير:

external-link copy
109 : 18

قُل لَّوۡ كَانَ ٱلۡبَحۡرُ مِدَادٗا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّي لَنَفِدَ ٱلۡبَحۡرُ قَبۡلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّي وَلَوۡ جِئۡنَا بِمِثۡلِهِۦ مَدَدٗا

109. Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay28, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato. info

28. Kelmedahaa waa amarrada Alle ee aan la soo koobi karin ama Kelmedaha sheegaya Tilmaamahiisa ama Ammaanahiisa.

التفاسير:

external-link copy
110 : 18

قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَمَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلۡيَعۡمَلۡ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَلَا يُشۡرِكۡ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدَۢا

110. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi (Allaah). info
التفاسير: