पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब ।

رقم الصفحة:close

external-link copy
57 : 39

أَوۡ تَقُولَ لَوۡ أَنَّ ٱللَّهَ هَدَىٰنِي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُتَّقِينَ

57. Ama aysan odhan: Haddii Alle i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida). info
التفاسير:

external-link copy
58 : 39

أَوۡ تَقُولَ حِينَ تَرَى ٱلۡعَذَابَ لَوۡ أَنَّ لِي كَرَّةٗ فَأَكُونَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

58. Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya13 waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha. info

13. La i siiyo fursad aan dib ugu laabto adduunka waxaan fali lahaa camallo san.

التفاسير:

external-link copy
59 : 39

بَلَىٰ قَدۡ جَآءَتۡكَ ءَايَٰتِي فَكَذَّبۡتَ بِهَا وَٱسۡتَكۡبَرۡتَ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

59. Haayoo, waxaa kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo is kibrisay, waxaadna ka mid ahayd gaalada. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 39

وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تَرَى ٱلَّذِينَ كَذَبُواْ عَلَى ٱللَّهِ وُجُوهُهُم مُّسۡوَدَّةٌۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡمُتَكَبِّرِينَ

60. Maalinta Qiyaamana waxaad arki kuwii ka been sheegay Alle (ee yidhi wuxuu leeyahay xaas ama ilmo ama shuruko) oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha? info
التفاسير:

external-link copy
61 : 39

وَيُنَجِّي ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ بِمَفَازَتِهِمۡ لَا يَمَسُّهُمُ ٱلسُّوٓءُ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

61. Wuxuuna Alle (ka) badbaadin (Naar) Kuwa (xumaha) iska jira liibaantooda darteed 14, ma taabato xumaan, mana murugoodaan. info

14. Ay ku muteysteen Jannada.

التفاسير:

external-link copy
62 : 39

ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ

62. Alle waa abuuraha wax walba, wax walbana Isagaa haya oo maamula. info
التفاسير:

external-link copy
63 : 39

لَّهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

63. Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Kuwana ku gaalooba Aayadaha Alle, kuwaa weeye kuwa khasaaray. info
التفاسير:

external-link copy
64 : 39

قُلۡ أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَأۡمُرُوٓنِّيٓ أَعۡبُدُ أَيُّهَا ٱلۡجَٰهِلُونَ

64. Dheh: Ma waxaan ahayn Alle baad i amreysaan inaan caabudo kuwiinaan jaahilka ahow? info
التفاسير:

external-link copy
65 : 39

وَلَقَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكَ لَئِنۡ أَشۡرَكۡتَ لَيَحۡبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

65. Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Alle cibaadada, waxaa xaqiiq buraya camalkaaga, waxaadna xaqiiq ka mid noqon kuwa khasaaray. info
التفاسير:

external-link copy
66 : 39

بَلِ ٱللَّهَ فَٱعۡبُدۡ وَكُن مِّنَ ٱلشَّٰكِرِينَ

66. Ee Allaah Keliya uun caabud, kana mid ahow kuwa ku mahdiya. info
التفاسير:

external-link copy
67 : 39

وَمَا قَدَرُواْ ٱللَّهَ حَقَّ قَدۡرِهِۦ وَٱلۡأَرۡضُ جَمِيعٗا قَبۡضَتُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَٱلسَّمَٰوَٰتُ مَطۡوِيَّٰتُۢ بِيَمِينِهِۦۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

67. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay15, isagoo dhulka oo dhammi ahaan Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, samooyinkana ku duuban yihiin Gacantiisa Midig16. Xurmoo dhan Isagaa iska leh waana ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada. info

15. Waa ma ay tixgelin tilmaamahiisa wanaagga iyo quruxda badan.
16. Macnaha waa ma aha wax ka badan Sacabkiisa muggiis, oo sidaas bay u yar yihiin xagga Alle.

التفاسير: