पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब ।

رقم الصفحة:close

external-link copy
24 : 29

فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱقۡتُلُوهُ أَوۡ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: 'Dila isaga ama guba'. Markaasuu Alle ka badbaadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 29

وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا مَّوَدَّةَ بَيۡنِكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُ بَعۡضُكُم بِبَعۡضٖ وَيَلۡعَنُ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ

25. Wuxuu (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Alle sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari. info
التفاسير:

external-link copy
26 : 29

۞ فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٞۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 29

وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَجۡرَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
28 : 29

وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ

28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 29

أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقۡطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأۡتُونَ فِي نَادِيكُمُ ٱلۡمُنكَرَۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

29. Ma waxaad u tagtaan ragga, oo aad goysaan jidka7, oo kula timaaddaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso. info

7. Idinkoo jidka gooya oo burcad ah oo u geysta dhac iyo boob socotada. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa gooya taranka u tegidiinna ragga darteed halkii dumarka, taasoo keeneysa tarmid la’aan dadka.

التفاسير:

external-link copy
30 : 29

قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya. info
التفاسير: