വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

Al-buruuj

external-link copy
1 : 85

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ

1.Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 85

وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ

2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
3 : 85

وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ

3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.' info
التفاسير:

external-link copy
4 : 85

قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ

4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 85

ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ

5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 85

إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ

6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka). info
التفاسير:

external-link copy
7 : 85

وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ

7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 85

وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ

8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 85

ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ

9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 85

إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ

10. Kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan toobad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 85

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ

11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan (Janno). Kaasi baa ah Liibaanta Weyn. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 85

إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ

12. Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 85

إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ

13. (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 85

وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ

14. Waa Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca). info
التفاسير:

external-link copy
15 : 85

ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ

15. Rabbiga Carshiga Sharafta Badan. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 85

فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ

16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 85

هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ

17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii, info
التفاسير:

external-link copy
18 : 85

فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ

18. Fircoon iyo Thamuud? info
التفاسير:

external-link copy
19 : 85

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ

19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 85

وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ

20. Alle wuu koobay (kamana baxsan karaan). info
التفاسير:

external-link copy
21 : 85

بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ

21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 85

فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ

22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka). info
التفاسير: