വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

external-link copy
112 : 4

وَمَن يَكۡسِبۡ خَطِيٓـَٔةً أَوۡ إِثۡمٗا ثُمَّ يَرۡمِ بِهِۦ بَرِيٓـٔٗا فَقَدِ ٱحۡتَمَلَ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا

112. Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan44, wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad. info

44. Aayaddan iyo Aayadaha ka dambeeya waxay ku soo degeen waxa uu falay ducmah ee inta wax xaday ku qarshay guri nin Yuhuudi ah uu leeyahay, markaasuu inkiray oo yidhi waxaa xaday Yuhuudiga, markaasay xigtadii ducmah u sheegeen Nabiga s.c.w. oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu difaaco ducmah, oo xukumo Yuhuudiga, iyagoo ku qiray inuu kan wax xaday yahay Yuhuudiga, wuxuu Nabigu s.c.w. ku sigtay inuu rumeysto hadalka ducmah qaraabadi iyo masabbishadoodii Yuhuudiga.

التفاسير: