വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

പേജ് നമ്പർ:close

external-link copy
77 : 37

وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ

77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun. info
التفاسير:

external-link copy
78 : 37

وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood. info
التفاسير:

external-link copy
79 : 37

سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ

79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux. info
التفاسير:

external-link copy
80 : 37

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
81 : 37

إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah. info
التفاسير:

external-link copy
82 : 37

ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ

82. Markaasaan harqinnay intii kale. info
التفاسير:

external-link copy
83 : 37

۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ

83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay
jidkiisa Ibraahiim7.
info

7. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu raacay dhabbihii Nabi Nuux iyo intii rumeysey towxiidka iyo mabaadiida diinta Islaamka.

التفاسير:

external-link copy
84 : 37

إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ

84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow8. info

8. Qalbiga fayow waa kan ka nabad galay shirki, kibir, xasad, is cajabin, iwm ee daacadda ah u hoggaansan Alle.

التفاسير:

external-link copy
85 : 37

إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ

85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan? info
التفاسير:

external-link copy
86 : 37

أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ

86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku. info
التفاسير:

external-link copy
87 : 37

فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka? info
التفاسير:

external-link copy
88 : 37

فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ

88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha, info
التفاسير:

external-link copy
89 : 37

فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ

89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa. info
التفاسير:

external-link copy
90 : 37

فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ

90. Markaasay ka jeesteen oo tageen. info
التفاسير:

external-link copy
91 : 37

فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ

91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn9. info

9. Inay cunaan qurbaannada hortooda la dhigay. Waana ku jeesjees iyo muujin caqli xumada dadkaa sanammada hor dhigay raashinka iyo hadiyooyinka.

التفاسير:

external-link copy
92 : 37

مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ

92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn? info
التفاسير:

external-link copy
93 : 37

فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ

93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig. info
التفاسير:

external-link copy
94 : 37

فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ

94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya. info
التفاسير:

external-link copy
95 : 37

قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ

95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)? info
التفاسير:

external-link copy
96 : 37

وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ

96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba? info
التفاسير:

external-link copy
97 : 37

قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ

97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya. info
التفاسير:

external-link copy
98 : 37

فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ

98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya. info
التفاسير:

external-link copy
99 : 37

وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ

99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin. info
التفاسير:

external-link copy
100 : 37

رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
101 : 37

فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ

101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil). info
التفاسير:

external-link copy
102 : 37

فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ

102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday10, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha. info

10. Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim.

التفاسير: