വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

external-link copy
172 : 2

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لِلَّهِ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ

172. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan31 oo aan idinku galladeysannay, una mahad naqa Alle (af, uur, iyo addinba), hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan. info

31. Xadiis wuxuu leeyahay: “Alle wuu wanaagsan yahay, mana aqbalo waxaan ahayn wax xalaal lagu shaqeystey oo wanaagsan”.

التفاسير: