വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

പേജ് നമ്പർ:close

external-link copy
39 : 19

وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡحَسۡرَةِ إِذۡ قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ وَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

39. Uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la gooyo, haddase dhoohnaan baa heysa, mana rumeeyaan (Xaqa). info
التفاسير:

external-link copy
40 : 19

إِنَّا نَحۡنُ نَرِثُ ٱلۡأَرۡضَ وَمَنۡ عَلَيۡهَا وَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ

40. Waa Annaga (Allaah) kuwa dhaxli arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Xaggaygaana laydiin soo celin. info
التفاسير:

external-link copy
41 : 19

وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِبۡرَٰهِيمَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقٗا نَّبِيًّا

41. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (Qisadii) Ibraahiim. Wuxuu ahaa run badne, Nabi ah. info
التفاسير:

external-link copy
42 : 19

إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ لِمَ تَعۡبُدُ مَا لَا يَسۡمَعُ وَلَا يُبۡصِرُ وَلَا يُغۡنِي عَنكَ شَيۡـٔٗا

42. (Xus) markuu ku yidhi aabbihiis: Aabbow! Maxaad u caabudi waxaan wax maqleyn, waxna arkeyn waxnana ku tari karin. info
التفاسير:

external-link copy
43 : 19

يَٰٓأَبَتِ إِنِّي قَدۡ جَآءَنِي مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَمۡ يَأۡتِكَ فَٱتَّبِعۡنِيٓ أَهۡدِكَ صِرَٰطٗا سَوِيّٗا

43. Aabbow! Aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan (Islaamka). info
التفاسير:

external-link copy
44 : 19

يَٰٓأَبَتِ لَا تَعۡبُدِ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ كَانَ لِلرَّحۡمَٰنِ عَصِيّٗا

44. Aabbow! Ha caabudin (adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah. info
التفاسير:

external-link copy
45 : 19

يَٰٓأَبَتِ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيۡطَٰنِ وَلِيّٗا

45. Aabbow! Anigu waxaan ka cabsan inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka rafiiq (Naarta gudaheeda). info
التفاسير:

external-link copy
46 : 19

قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِي يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَۖ وَٱهۡجُرۡنِي مَلِيّٗا

46. Wuxuu (aabbihii) yidhi: “Ma waxaad nici ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddaad ka harin (waxakani), waan ku dhagaxyeyn. Ee iga dheerow in muddo ah. info
التفاسير:

external-link copy
47 : 19

قَالَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكَۖ سَأَسۡتَغۡفِرُ لَكَ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ كَانَ بِي حَفِيّٗا

47. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi denbi Dhaaf Rabbigay. Hubaal, waa Mid ii Roonaan Badane. info
التفاسير:

external-link copy
48 : 19

وَأَعۡتَزِلُكُمۡ وَمَا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَأَدۡعُواْ رَبِّي عَسَىٰٓ أَلَّآ أَكُونَ بِدُعَآءِ رَبِّي شَقِيّٗا

48. Waana idinka fogaan idinka iyo waxa aad caabuddaanba Alle sokadi. Waxaan baryi Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaan rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba”. info
التفاسير:

external-link copy
49 : 19

فَلَمَّا ٱعۡتَزَلَهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۖ وَكُلّٗا جَعَلۡنَا نَبِيّٗا

49. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi Alle sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waxaan ka yeelnay Nabi. info
التفاسير:

external-link copy
50 : 19

وَوَهَبۡنَا لَهُم مِّن رَّحۡمَتِنَا وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ لِسَانَ صِدۡقٍ عَلِيّٗا

50. Waxaana ka siinnay Naxariistayada (khayr iyo riziq badan), oo u yeelnay ammaan run ah oo sarreysa. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 19

وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مُوسَىٰٓۚ إِنَّهُۥ كَانَ مُخۡلَصٗا وَكَانَ رَسُولٗا نَّبِيّٗا

51. Ku xus Ktiaabka (Qur’aanka) Muuse. Wuxuu ahaa daacad, Rasuul Nabi ah 7. info

7. Rasuul waa midka Alle u xil saaro inuu hanuuniyo dadka oo gaarsiiyo Fartiintiisa, halka Nabi loola jeedo midka ka hela Waxyi xagga Alle aanse la amrin inuu dadka gaarsiiyo, anbiyada baana ka badan Rususha.

التفاسير: