ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್.

Al-inshiqaaq

external-link copy
1 : 84

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتۡ

1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 84

وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ

2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo; info
التفاسير:

external-link copy
3 : 84

وَإِذَا ٱلۡأَرۡضُ مُدَّتۡ

3. Marka arlada la fidiyo, info
التفاسير:

external-link copy
4 : 84

وَأَلۡقَتۡ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتۡ

4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato, info
التفاسير:

external-link copy
5 : 84

وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ

5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo (wuxuu la kulmi qof walba camalkiisa). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 84

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدۡحٗا فَمُلَٰقِيهِ

6. Qofyahow! Waad dhibtoon kuna jiri dhib iyo howl ilaa (ay kuu timaaddo geeri), waadna la kulmi (natiijada camalkaaga khayr ama shar wuxuu yahayba Maalinta Qiyaamaha). info
التفاسير:

external-link copy
7 : 84

فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ

7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig, info
التفاسير:

external-link copy
8 : 84

فَسَوۡفَ يُحَاسَبُ حِسَابٗا يَسِيرٗا

8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 84

وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورٗا

9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 84

وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهۡرِهِۦ

10. Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa, info
التفاسير:

external-link copy
11 : 84

فَسَوۡفَ يَدۡعُواْ ثُبُورٗا

11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 84

وَيَصۡلَىٰ سَعِيرًا

12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 84

إِنَّهُۥ كَانَ فِيٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورًا

13. Wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 84

إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ

14. Wuxuu moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga). info
التفاسير:

external-link copy
15 : 84

بَلَىٰٓۚ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرٗا

15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 84

فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلشَّفَقِ

16. Mayee, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac; info
التفاسير:

external-link copy
17 : 84

وَٱلَّيۡلِ وَمَا وَسَقَ

17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo; info
التفاسير:

external-link copy
18 : 84

وَٱلۡقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ

18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo. info
التفاسير:

external-link copy
19 : 84

لَتَرۡكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٖ

19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba). info
التفاسير:

external-link copy
20 : 84

فَمَا لَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa? info
التفاسير:

external-link copy
21 : 84

وَإِذَا قُرِئَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقُرۡءَانُ لَا يَسۡجُدُونَۤ۩

21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)? info
التفاسير:

external-link copy
22 : 84

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُكَذِّبُونَ

22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa). info
التفاسير:

external-link copy
23 : 84

وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُوعُونَ

23. Alle waa og yahay waxay qarsan. info
التفاسير:

external-link copy
24 : 84

فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 84

إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونِۭ

25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e). info
التفاسير: