7. Xukunkan ma khuseeyo Ilmihii Israaill oo keliya, ee waxaa soo galaya dadka oo dhan, wuxuu Alle guddoonshay in qofkii dila nafsad waa sida inuu dilay dadka oo dhammi, qofkiina nooleeya nafsad waa sida inuu nooleeyey dadka oo dhan.
8. Ku qaada dagaal Alle iyo Rasuulkiisa waxaa loola jeedaa kuwa sameeya oo la yimaada fadqallo, fowda, fasahaad iyo argagixin dadka ama khiyaano qaran ama jid gooyo, ama ku soo qaada weerar dawladda islaamka.
9. Goynta gacanta midigta iyo lugta bidix, oo hadduu mar kale fasahaadkaa oo kale falo waxaa laga goyn gacanta bidix iyo lugta midig.