Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub

Nomor Halaman:close

external-link copy
43 : 68

خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ

43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 68

فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ

44. Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn. info
التفاسير:

external-link copy
45 : 68

وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ

45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag. info
التفاسير:

external-link copy
46 : 68

أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ

46. Mise ma waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn? info
التفاسير:

external-link copy
47 : 68

أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ

47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan? info
التفاسير:

external-link copy
48 : 68

فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٞ

48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan, info
التفاسير:

external-link copy
49 : 68

لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٞ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٞ

49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan. info
التفاسير:

external-link copy
50 : 68

فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 68

وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٞ

51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole. info
التفاسير:

external-link copy
52 : 68

وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ

52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan. info
التفاسير: