Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub

external-link copy
148 : 6

سَيَقُولُ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ لَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَآ أَشۡرَكۡنَا وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمۡنَا مِن شَيۡءٖۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ حَتَّىٰ ذَاقُواْ بَأۡسَنَاۗ قُلۡ هَلۡ عِندَكُم مِّنۡ عِلۡمٖ فَتُخۡرِجُوهُ لَنَآۖ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَخۡرُصُونَ

148. Kuwa ah mushrikiinta waxay odhan: Hadduu Alle doono, ma aanu u shariig yeelneyn innaga iyo aabbayaasheenba, mana aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Alle banneeyey). Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabkayaga. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, waxaadna uun sheegtaan beeno. info
التفاسير: