क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब

Al-mudaffifiin

external-link copy
1 : 83

وَيۡلٞ لِّلۡمُطَفِّفِينَ

1. Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 83

ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكۡتَالُواْ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسۡتَوۡفُونَ

2. Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 83

وَإِذَا كَالُوهُمۡ أَو وَّزَنُوهُمۡ يُخۡسِرُونَ

3. Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 83

أَلَا يَظُنُّ أُوْلَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبۡعُوثُونَ

4. Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 83

لِيَوۡمٍ عَظِيمٖ

5. Maalin weyn (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 83

يَوۡمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

6. Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti? info
التفاسير:

external-link copy
7 : 83

كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٖ

7. Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 83

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سِجِّينٞ

8. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay?* info

*Sijiin waa meel cidhiidhi ah oo ah halka u hooseysa arlada toddobaad ee ah hoyga denbiilayaasha Aakhirada.

التفاسير:

external-link copy
9 : 83

كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ

9. Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 83

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ

10. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka). info
التفاسير:

external-link copy
11 : 83

ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
12 : 83

وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ

12.Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 83

إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 83

كَلَّاۖ بَلۡۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 83

كَلَّآ إِنَّهُمۡ عَن رَّبِّهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّمَحۡجُوبُونَ

15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 83

ثُمَّ إِنَّهُمۡ لَصَالُواْ ٱلۡجَحِيمِ

16. Oo waxay gali oo ku guban Naar olol badan. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 83

ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

17. Waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 83

كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡأَبۡرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ

18. Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad). info
التفاسير:

external-link copy
19 : 83

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ

19. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay? info
التفاسير:

external-link copy
20 : 83

كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ

20. Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 83

يَشۡهَدُهُ ٱلۡمُقَرَّبُونَ

21. Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle). info
التفاسير:

external-link copy
22 : 83

إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٍ

22. Baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
23 : 83

عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ

23. Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka jannada ah). info
التفاسير:

external-link copy
24 : 83

تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِهِمۡ نَضۡرَةَ ٱلنَّعِيمِ

24. Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 83

يُسۡقَوۡنَ مِن رَّحِيقٖ مَّخۡتُومٍ

25. Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay. info
التفاسير:

external-link copy
26 : 83

خِتَٰمُهُۥ مِسۡكٞۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلۡيَتَنَافَسِ ٱلۡمُتَنَٰفِسُونَ

26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 83

وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسۡنِيمٍ

27. Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah. info
التفاسير:

external-link copy
28 : 83

عَيۡنٗا يَشۡرَبُ بِهَا ٱلۡمُقَرَّبُونَ

28. Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 83

إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ كَانُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَضۡحَكُونَ

29. Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 83

وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمۡ يَتَغَامَزُونَ

30. Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 83

وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمُ ٱنقَلَبُواْ فَكِهِينَ

31. Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya, info
التفاسير:

external-link copy
32 : 83

وَإِذَا رَأَوۡهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ

32. Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu waa kuwo lunsan. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 83

وَمَآ أُرۡسِلُواْ عَلَيۡهِمۡ حَٰفِظِينَ

33. Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 83

فَٱلۡيَوۡمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنَ ٱلۡكُفَّارِ يَضۡحَكُونَ

34. Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada. info
التفاسير:

external-link copy
35 : 83

عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ

35. Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 83

هَلۡ ثُوِّبَ ٱلۡكُفَّارُ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ

36. Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen? info
التفاسير: