3. Xakiim waa tilmaanta qofka warkiisa iyo ficilkiisa salka ku hayaan garasho iyo aragti dheer. waxaa loola jeedaa tilmaamaha doonista, hadaf yeelashada, war samida, falsamada, wax kala saaridda iyo xog ogaanta, aragti dheerida, abwaanka ah.
4. Hadalka maaweelada ah waxay culimadu qaar ku fasireen shirkiga, qaarna wararka dadka lagu lumiyo, heesaha anshax darrada ah, ama Miyuusigga ruxa dadka ee keena is walaaqa, waxaase dhab ahaan soo galaya hadalka maaweelada ah wax kasta oo dadka ka shuqliya Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka.