क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब

पृष्ठ संख्या:close

external-link copy
71 : 3

يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَلۡبِسُونَ ٱلۡحَقَّ بِٱلۡبَٰطِلِ وَتَكۡتُمُونَ ٱلۡحَقَّ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

71. Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon? info
التفاسير:

external-link copy
72 : 3

وَقَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ ءَامِنُواْ بِٱلَّذِيٓ أُنزِلَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَجۡهَ ٱلنَّهَارِ وَٱكۡفُرُوٓاْ ءَاخِرَهُۥ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ

72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan (diintooda)10. info

10. Xagga kuwa idin la diinta ah (Yuhuudda iyo Nasaarada) si ayan u gelin diinta islaamka, xagga muslmiintana horay idinla diinta ahaa si uu u daciifo iimaankooda oo ugu soo laabtaan gaalnimada.

التفاسير:

external-link copy
73 : 3

وَلَا تُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّا لِمَن تَبِعَ دِينَكُمۡ قُلۡ إِنَّ ٱلۡهُدَىٰ هُدَى ٱللَّهِ أَن يُؤۡتَىٰٓ أَحَدٞ مِّثۡلَ مَآ أُوتِيتُمۡ أَوۡ يُحَآجُّوكُمۡ عِندَ رَبِّكُمۡۗ قُلۡ إِنَّ ٱلۡفَضۡلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٞ

73. Hana aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna (iyo dhaqankiinna). Dheh: Hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Alle (Islaamka), (oo ma xasdeysaan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Alle; Wuxuu siiyaa kuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon. info
التفاسير:

external-link copy
74 : 3

يَخۡتَصُّ بِرَحۡمَتِهِۦ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ

74. Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Allena waa Rabbiga Fadliga Weyn. info
التفاسير:

external-link copy
75 : 3

۞ وَمِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مَنۡ إِن تَأۡمَنۡهُ بِقِنطَارٖ يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّنۡ إِن تَأۡمَنۡهُ بِدِينَارٖ لَّا يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيۡكَ إِلَّا مَا دُمۡتَ عَلَيۡهِ قَآئِمٗاۗ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لَيۡسَ عَلَيۡنَا فِي ٱلۡأُمِّيِّـۧنَ سَبِيلٞ وَيَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ

75. Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon. info

11. Yuhuudda uma arkaan denbi inay khiyaameeyaan ama been u sheegaan dadka aan iyaga ahayn.

التفاسير:

external-link copy
76 : 3

بَلَىٰۚ مَنۡ أَوۡفَىٰ بِعَهۡدِهِۦ وَٱتَّقَىٰ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَّقِينَ

76. Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa ee ka cabsada Ilaahay, hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale). info
التفاسير:

external-link copy
77 : 3

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَشۡتَرُونَ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ وَأَيۡمَٰنِهِمۡ ثَمَنٗا قَلِيلًا أُوْلَٰٓئِكَ لَا خَلَٰقَ لَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ وَلَا يُكَلِّمُهُمُ ٱللَّهُ وَلَا يَنظُرُ إِلَيۡهِمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَلَا يُزَكِّيهِمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

77. Kuwa ku iibsada Axdiga Alle 12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada. Alle lama hadlayo, mana eegayo Maalinta Qiyaamaha, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan. info

12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii ku goosta maal qof Muslim ah xaq darro isagoo dhaar ku mari, wuxuu la kulmi Alle oo u cadheysan”w.w. Axmad.

التفاسير: