4. Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen mustaqirrahaa adduunka, mustowdicna aakhirada, qaarkoodna waxay yidhaahdeen: mustaqirrahaa waxaa loola jeedaa dhabarka ninka, mustowdicna riximka haweenta (ilma galeenka), waxaa kaloo lagu fasiray inta uusan dhalan ka hor, iyo kaddib dhimashadiisa.