क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब

पृष्ठ संख्या:close

external-link copy
71 : 10

۞ وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ نُوحٍ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيۡكُم مَّقَامِي وَتَذۡكِيرِي بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡتُ فَأَجۡمِعُوٓاْ أَمۡرَكُمۡ وَشُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُنۡ أَمۡرُكُمۡ عَلَيۡكُمۡ غُمَّةٗ ثُمَّ ٱقۡضُوٓاْ إِلَيَّ وَلَا تُنظِرُونِ

71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah. info

18. Ha ka yeelina wax uu ku jiro shaki ama walaac, ee ha ahaato wax idiin cad, muuqda, oo aan mugdi ku jirin.

التفاسير:

external-link copy
72 : 10

فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَمَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta u hoggaansan Alle. info
التفاسير:

external-link copy
73 : 10

فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ خَلَٰٓئِفَ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ

73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay. info
التفاسير:

external-link copy
74 : 10

ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ نَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡمُعۡتَدِينَ

74. Markaasaan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, oo ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen19. Sidaasaan u yeelnaa shaabbad daboosha quluubta xadgudbayaasha. info

19. Facyadii ku xigay waxay ahaayeen kuwo ku adkeysta gaalnimada.

التفاسير:

external-link copy
75 : 10

ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ وَهَٰرُونَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ بِـَٔايَٰتِنَا فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ

75. Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo xildhibaannadii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen qolo denbiilayaal ah. info
التفاسير:

external-link copy
76 : 10

فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰذَا لَسِحۡرٞ مُّبِينٞ

76. Markuu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad. info
التفاسير:

external-link copy
77 : 10

قَالَ مُوسَىٰٓ أَتَقُولُونَ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَكُمۡۖ أَسِحۡرٌ هَٰذَا وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّٰحِرُونَ

77. Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Sixiroolaayaashu ma liibaanaan. info
التفاسير:

external-link copy
78 : 10

قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَلۡفِتَنَا عَمَّا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا نَحۡنُ لَكُمَا بِمُؤۡمِنِينَ

78. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxaan ka hellay aabbayaashayo, iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan? Innaguna ma nihin kuwo idin rumeysanaya. info
التفاسير: