4. Markii uu Nabigu s.c.w. ku ganay gacan muggeed oo carro ah wejiyada gaalada, Alle wuxuu sababay inay buuxiso indhaha iyo sanka askari kasta oo ka mid ah gaalada, taasoo u diidday inay horay u soo dhaqaaqaan.
5. Wuxuu idiinku yeedhayaa jihaadka iyo dagaal galka si ay kor u ahaato Kelmedda Alle oo u cisoobaan muslimiinta, sidoo kale macnaha waxaa weeye wuxuu idiinku yeerayaa iimaanka iyo hanuunka iyo jihaadka, iyo arrin kasta oo lagu liibaano adduun iyo aakhiraba.
6. Tani waa digniin in ciqaabta ay mar walba sababteed tahay ku caasinta Alle iyo Rasuulkiisa.