Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba

external-link copy
96 : 3

إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ

96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah16, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha17. info

16. Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beytkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Alle u jawaabay.
Abuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad.
17. Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125.

التفاسير: