ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب

Al-bayinah

external-link copy
1 : 98

لَمۡ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ

1. Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 98

رَسُولٞ مِّنَ ٱللَّهِ يَتۡلُواْ صُحُفٗا مُّطَهَّرَةٗ

2. Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 98

فِيهَا كُتُبٞ قَيِّمَةٞ

3. Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 98

وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ

4. Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid (waa Nabi Muxammad s.c.w iyo Qur'aanka). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 98

وَمَآ أُمِرُوٓاْ إِلَّا لِيَعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُواْ ٱلزَّكَوٰةَۚ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلۡقَيِّمَةِ

5. Oo lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Alle keliya iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixyaan Zakada, sidaas baana ah diinta toosan. info
التفاسير: