11. Markhaatiyada waa inay ku dhaartaan inay dhab ahaan arkeen ficilkaa oo lagu gudo jiro.
12. Inuu Alle waddo u sameeyo waa tilmaan soo degidda suuradda An-Nuur, Q 24: Aayadda 2aad ee xadka zinada. Waxaana lagu nasakhay xukunka aayaddan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: «Iga qaata: Labada bikrada ah aan horay u guursan ee zineysta ciqaabtoodu waa boqol jeedal iyo ka saaritaan degaanka (xabsi sannad ah), labada wax soo guursatayna ama xaas ah markaa oo zineysta waa boqol jeedal iyo in dhagax lagu dilo.» W.w. Muslim.
13. Badi mufasiriinta waxay ku fasiraan zinada, waxaa sidoo kale soo galaya ninka oo nin u taga iyo naagta oo naag u tagta.
14. Qof kastoo Alle ku caasiya waa jaahil ilaa uu ka tago macsidaas.
15. Aayaddan loola ma jeedo in dhaxlidda haweenka qasbid la’aan ay bannaan tahay hadday doonayaan. Waagii jaahiliyadda hadduu nin ka dhinto xaaskiisa, waxaa arka xigaaladiisa sida walaalki ama ina adeerki iwm inuu kaga xaq badan yahay xaaskiisa nin kale oo dhan, oo wuxuu ka ilaashaa qeyrki ha jeclaato ama yeysan jeclaan, hadduu jecleysto wuxuu ku guursadaa meherkii uu isagu doono isagoo aan iyada oggolaansho ka helin, hadduusan jecleysanna waa uu xayiraa oo uma guuriyo waxaan ahayn ninkii uu isagu doono, marmarna waxaaba dhici jirtay inuu u diido inay guursato ilaa ay wax ka siiso dhaxalkii ninkaa dhintay ay qaraabada yihiin ama meherkeeda, haddii kale inuusan u guurineyn. Aayaddan waxaa ku cad in ninka dhintay warasadiisa ayan uga xaq lahayn ragga kale guursigaa haweentiisa uu ka dhintay iyo dhaxliddeed, iwm.