ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب

A-lmu'minuun

external-link copy
1 : 23

قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

1.Waxaa dhab ahaan liibaani mu’miniinta. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 23

ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ

2. Ee ah kuwa salaaddooda ku khushuuca. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 23

وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ

3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 23

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ

4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 23

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ

5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 23

إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ

6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee1, laguma eedo taasi; info

1. Ma aha addoon ama addoonad mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada.

التفاسير:

external-link copy
7 : 23

فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ

7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 23

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ

8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 23

وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمۡ يُحَافِظُونَ

9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 23

أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡوَٰرِثُونَ

10. Waa kuwaa dhaxlayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 23

ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡفِرۡدَوۡسَ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws (Jannada sare) wayna ku dhex waadhi weligood. info

2. Firdaws waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada.

التفاسير:

external-link copy
12 : 23

وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن طِينٖ

12. Waxaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 23

ثُمَّ جَعَلۡنَٰهُ نُطۡفَةٗ فِي قَرَارٖ مَّكِينٖ

13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic biyo (mani) ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 23

ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ

14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha3. info

3. Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah.

التفاسير:

external-link copy
15 : 23

ثُمَّ إِنَّكُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ

15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 23

ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تُبۡعَثُونَ

16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 23

وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلۡخَلۡقِ غَٰفِلِينَ

17. Waxaana ka abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog waxaan abuurnay. info
التفاسير: