আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

Al-qiyaamah

external-link copy
1 : 75

لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha. info

1. Al-Qiyaamah: Qiyaamaha, waa iska soo saaridda qubuuraha dhimashada kaddib.

التفاسير:

external-link copy
2 : 75

وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ

2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda2 (in la idin soo bixin Aakhirada). info

2. Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada.

التفاسير:

external-link copy
3 : 75

أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ

3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa? info
التفاسير:

external-link copy
4 : 75

بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ

4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 75

بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ

5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya)3. info

3. Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa.

التفاسير:

external-link copy
6 : 75

يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ

6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha? info
التفاسير:

external-link copy
7 : 75

فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ

7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo). info
التفاسير:

external-link copy
8 : 75

وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ

8. Oo dayaxu madoobaado. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 75

وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ

9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 75

يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ

10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa? info
التفاسير:

external-link copy
11 : 75

كَلَّا لَا وَزَرَ

11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo). info
التفاسير:

external-link copy
12 : 75

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ

12. Xagga (Alle) Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 75

يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ

13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 75

بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ

14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 75

وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ

15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho). info
التفاسير:

external-link copy
16 : 75

لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ

16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa). info
التفاسير:

external-link copy
17 : 75

إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ

17. Waa xil Annaga na (saaran) inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa). info
التفاسير:

external-link copy
18 : 75

فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ

18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa. info
التفاسير:

external-link copy
19 : 75

ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ

19. Kaddib Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa). info
التفاسير:

external-link copy
20 : 75

كَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ

20. Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 75

وَتَذَرُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ

21. Dayacdaan Aakhirada. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 75

وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ نَّاضِرَةٌ

22. Wejiyo Maalintaas way ifi. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 75

إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٞ

23. Xagga (Alle) Rabbigood iyagoo eegaya; info
التفاسير:

external-link copy
24 : 75

وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذِۭ بَاسِرَةٞ

24. Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 75

تَظُنُّ أَن يُفۡعَلَ بِهَا فَاقِرَةٞ

25. Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn; info
التفاسير:

external-link copy
26 : 75

كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِيَ

26. Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida). info
التفاسير:

external-link copy
27 : 75

وَقِيلَ مَنۡۜ رَاقٖ

27. Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi? info
التفاسير:

external-link copy
28 : 75

وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلۡفِرَاقُ

28. Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida). info
التفاسير:

external-link copy
29 : 75

وَٱلۡتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ

29.Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno). info
التفاسير:

external-link copy
30 : 75

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمَسَاقُ

30. Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 75

فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ

31. (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 75

وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

32. Wuuse beeniyey oo jeesaday. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 75

ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ

33. Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 75

أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰ

34. Dhowaa hooggaagu oo dhowaa. info
التفاسير:

external-link copy
35 : 75

ثُمَّ أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰٓ

35. Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 75

أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَن يُتۡرَكَ سُدًى

36. Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)? info
التفاسير:

external-link copy
37 : 75

أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةٗ مِّن مَّنِيّٖ يُمۡنَىٰ

37. Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo? info
التفاسير:

external-link copy
38 : 75

ثُمَّ كَانَ عَلَقَةٗ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ

38. Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 75

فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ

39. Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig. info
التفاسير:

external-link copy
40 : 75

أَلَيۡسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰ

40.Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida? (Haayoo wuu Karaa). info
التفاسير: