আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

Al-acraaf

external-link copy
1 : 7

الٓمٓصٓ

1. Alif Laam Miim Saad*. info

*Xarfahan waa xuruuf ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah).

التفاسير:

external-link copy
2 : 7

كِتَٰبٌ أُنزِلَ إِلَيۡكَ فَلَا يَكُن فِي صَدۡرِكَ حَرَجٞ مِّنۡهُ لِتُنذِرَ بِهِۦ وَذِكۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ

2. (Kani Qur’aanku) waa Kitaab aanu kuu soo dejinnay (Nabiyow), ee yeysan ahaan laabtaadu wax dhib (cidhiidhi) ah xaggiisa, inaad ugu digto (dadka), waana u waano mu’miniinta. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 7

ٱتَّبِعُواْ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُمۡ وَلَا تَتَّبِعُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَۗ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ

3. Raaca (dadow) waxa (Qur’aanka) la idiinka soo dejiyey xagga (Alle) Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan oo u yeedhataan, gargaarna weydiistaan ).Yaraa intaad waantowdaan. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 7

وَكَم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَا فَجَآءَهَا بَأۡسُنَا بَيَٰتًا أَوۡ هُمۡ قَآئِلُونَ

4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 7

فَمَا كَانَ دَعۡوَىٰهُمۡ إِذۡ جَآءَهُم بَأۡسُنَآ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ

5. Calaacalkoodu markuu u yimid Ciqaabkayaga ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Waxaanu ahayn daalimiin (gar diid). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 7

فَلَنَسۡـَٔلَنَّ ٱلَّذِينَ أُرۡسِلَ إِلَيۡهِمۡ وَلَنَسۡـَٔلَنَّ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii Alle dadka iyo waxa loogu jawaabay). info
التفاسير:

external-link copy
7 : 7

فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيۡهِم بِعِلۡمٖۖ وَمَا كُنَّا غَآئِبِينَ

7. Waxaanu hubaal ugu aqoon warrami (camalladoodii oo dhan), mana aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 7

وَٱلۡوَزۡنُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّۚ فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

8. Miisaanku Maalintaasi (Qiyaamada) waa Xaq. kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 7

وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُم بِمَا كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَظۡلِمُونَ

9. Kuwa se uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda dulmigay ku falayeen Aayadahayaga dartiis. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 7

وَلَقَدۡ مَكَّنَّٰكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَۗ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ

10. Waxaan idinku awood siinnay dhulka, waxaana idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho.Yaraa intaad (ku) mahdisaan (Alle). info
التفاسير:

external-link copy
11 : 7

وَلَقَدۡ خَلَقۡنَٰكُمۡ ثُمَّ صَوَّرۡنَٰكُمۡ ثُمَّ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ لَمۡ يَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ

11. Waan idin abuurnay, oo idin suuraynay, markaasaan ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam (sujuud salaan ah). Markaasay sujuudeen (macnaha rukuuceen) Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday (xasad darti). info
التفاسير: