আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

A-lmumtaxinah

external-link copy
1 : 60

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمۡ أَوۡلِيَآءَ تُلۡقُونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَقَدۡ كَفَرُواْ بِمَا جَآءَكُم مِّنَ ٱلۡحَقِّ يُخۡرِجُونَ ٱلرَّسُولَ وَإِيَّاكُمۡ أَن تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ رَبِّكُمۡ إِن كُنتُمۡ خَرَجۡتُمۡ جِهَٰدٗا فِي سَبِيلِي وَٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِيۚ تُسِرُّونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَأَنَا۠ أَعۡلَمُ بِمَآ أَخۡفَيۡتُمۡ وَمَآ أَعۡلَنتُمۡۚ وَمَن يَفۡعَلۡهُ مِنكُمۡ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ

1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinna gacallo2, idinkoo u muujinaya kalgaceyl xaggooda, iyagoo ku gaalooba waxa idiin yimid oo Xaq ah, oo u soo saaray debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? Haddaad u soo haajirteen inaad u jihaaddaan Jidkeyga oo dooneysaan Raallinimadeyda (ha ka dhigannina gaalada sokeeyayaal), kuwaasoo aad qarsoodi ugu muujisaan kalgaceyl xaggooda, Aniguna (Alle ah) waan Ogahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba; qofkii idinka mid ahna oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka). info

1. Al-Mumtaxinah: Suuradda imtixaamidda, hubsiinada, waxaa sidoo kale la yidhaahdaa Al-Mumtaxanah: Haweenka la imtixaanayey.
2. Sokeeyayaal iyo saaxiibbo.

التفاسير: