আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

external-link copy
121 : 6

وَلَا تَأۡكُلُواْ مِمَّا لَمۡ يُذۡكَرِ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَإِنَّهُۥ لَفِسۡقٞۗ وَإِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ لَيُوحُونَ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِهِمۡ لِيُجَٰدِلُوكُمۡۖ وَإِنۡ أَطَعۡتُمُوهُمۡ إِنَّكُمۡ لَمُشۡرِكُونَ

121. Ha cunina waxa (hilibka neefka) aan lagu xusin Magaca Alle (markii la gowracayey), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah. info

7. Taasina waxay ahayd in mushrikiinta yidhaahdeen: Muxammadow bal waxaad nooga warrantaa ri’da? Hadday dhimato yaa dilay? Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baa dilay. Waxay yidhaahdeen: Haddaba ma waxaad ku andacooneysaa waxaad dishaan adiga iyo asxaabtaada inay yihiin xalaal, waxana ay dilaan eyga iyo galleyrka iyo haramcadka ay yihiin xalaal, waxase uu Alle dilo ay xaaraan tahay in la cuno. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan.

التفاسير: