আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
45 : 53

وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ

45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga. info
التفاسير:

external-link copy
46 : 53

مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ

46. Ka abuuray mino nool marka la shubo. info
التفاسير:

external-link copy
47 : 53

وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ

47. Isagayna (Alle) saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada). info
التفاسير:

external-link copy
48 : 53

وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ

48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya; info
التفاسير:

external-link copy
49 : 53

وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ

49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra8. info

8. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.

التفاسير:

external-link copy
50 : 53

وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ

50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore, info
التفاسير:

external-link copy
51 : 53

وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ

51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin. info
التفاسير:

external-link copy
52 : 53

وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ

52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan. info
التفاسير:

external-link copy
53 : 53

وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ

53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay9 . info

9. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.

التفاسير:

external-link copy
54 : 53

فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ

54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah). info
التفاسير:

external-link copy
55 : 53

فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ

55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaan oo ka shaki qabtaan (dadow)? info
التفاسير:

external-link copy
56 : 53

هَٰذَا نَذِيرٞ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ

56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore. info
التفاسير:

external-link copy
57 : 53

أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ

57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame). info
التفاسير:

external-link copy
58 : 53

لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ

58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda). info
التفاسير:

external-link copy
59 : 53

أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ

59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 53

وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ

60. Oo ku qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Ilaahay darteed)? info
التفاسير:

external-link copy
61 : 53

وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ

61. Idinkoo iska haasaawaya. info
التفاسير:

external-link copy
62 : 53

فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ۩

62. U sujuuda Allaah oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin). info
التفاسير: