আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
29 : 46

وَإِذۡ صَرَفۡنَآ إِلَيۡكَ نَفَرٗا مِّنَ ٱلۡجِنِّ يَسۡتَمِعُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوٓاْ أَنصِتُواْۖ فَلَمَّا قُضِيَ وَلَّوۡاْ إِلَىٰ قَوۡمِهِم مُّنذِرِينَ

29. (Xus) markaan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaystay Qur’aanka, markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. Markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 46

قَالُواْ يَٰقَوۡمَنَآ إِنَّا سَمِعۡنَا كِتَٰبًا أُنزِلَ مِنۢ بَعۡدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٖ مُّسۡتَقِيمٖ

30. Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab (waa Qur'aanka) la soo dejiyey Muuse kaddib, oo rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan (Islaamka). info
التفاسير:

external-link copy
31 : 46

يَٰقَوۡمَنَآ أَجِيبُواْ دَاعِيَ ٱللَّهِ وَءَامِنُواْ بِهِۦ يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُجِرۡكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ

31. Tolkanagow! Raaca daaciga Ilaahay12 oo aamina, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi den- biyadiinna, idinkana badbaadin cadaab xanuun badan. info

12. Ugu yeerahaa dadka xagga Alle waa Nabi Muxammad s.c.w.

التفاسير:

external-link copy
32 : 46

وَمَن لَّا يُجِبۡ دَاعِيَ ٱللَّهِ فَلَيۡسَ بِمُعۡجِزٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَيۡسَ لَهُۥ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءُۚ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ

32. Qofkaan raacin daaciga Alle, kuma baxsanayo dhulka, mana jiro wax u gargaari (Alle) sokadi. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow cad. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 46

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَلَمۡ يَعۡيَ بِخَلۡقِهِنَّ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰۚ بَلَىٰٓۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

33. Miyeyna ogayn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 46

وَيَوۡمَ يُعۡرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَلَى ٱلنَّارِ أَلَيۡسَ هَٰذَا بِٱلۡحَقِّۖ قَالُواْ بَلَىٰ وَرَبِّنَاۚ قَالَ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ

34. Maalinta loo soo bandhigi kuwa xaqa diida Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Dhadhamiya Cadaabka, gaalnimadiinnii darteed. info
التفاسير:

external-link copy
35 : 46

فَٱصۡبِرۡ كَمَا صَبَرَ أُوْلُواْ ٱلۡعَزۡمِ مِنَ ٱلرُّسُلِ وَلَا تَسۡتَعۡجِل لَّهُمۡۚ كَأَنَّهُمۡ يَوۡمَ يَرَوۡنَ مَا يُوعَدُونَ لَمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّن نَّهَارِۭۚ بَلَٰغٞۚ فَهَلۡ يُهۡلَكُ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ

35. Ee samir siday Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samreen13, hana doondoonin in loo soo dedejiyo (cadaabkooda). Maalintay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida inayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn dadka caasiyiinta ah. info

13. Rusushaas go’aanka adag waa Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, iyo Muxammad.

التفاسير: