আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
13 : 36

وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلًا أَصۡحَٰبَ ٱلۡقَرۡيَةِ إِذۡ جَآءَهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ

13. Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 36

إِذۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱثۡنَيۡنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزۡنَا بِثَالِثٖ فَقَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَيۡكُم مُّرۡسَلُونَ

14. Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid seddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 36

قَالُواْ مَآ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَكۡذِبُونَ

15.Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 36

قَالُواْ رَبُّنَا يَعۡلَمُ إِنَّآ إِلَيۡكُمۡ لَمُرۡسَلُونَ

16. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 36

وَمَا عَلَيۡنَآ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

17. Nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka). info
التفاسير:

external-link copy
18 : 36

قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ

18. Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan. info
التفاسير:

external-link copy
19 : 36

قَالُواْ طَٰٓئِرُكُم مَّعَكُمۡ أَئِن ذُكِّرۡتُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ

19. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan. info

3. Gooddinta aad noo gooddineysaan ma waxaa u sabab ah inaan wax xaq ah idiin sheegno oo idinku waaninno.

التفاسير:

external-link copy
20 : 36

وَجَآءَ مِنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ رَجُلٞ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُواْ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

20. Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin rooraya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha; info
التفاسير:

external-link copy
21 : 36

ٱتَّبِعُواْ مَن لَّا يَسۡـَٔلُكُمۡ أَجۡرٗا وَهُم مُّهۡتَدُونَ

21. Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 36

وَمَالِيَ لَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

22. Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan i abuuray? Xaggiisaana la idin soo celin. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 36

ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدۡنِ ٱلرَّحۡمَٰنُ بِضُرّٖ لَّا تُغۡنِ عَنِّي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا يُنقِذُونِ

23. Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan? info
التفاسير:

external-link copy
24 : 36

إِنِّيٓ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ

24. Markaa xaqiiq waxaan ku suganahay habow cad. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 36

إِنِّيٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمۡ فَٱسۡمَعُونِ

25. Hubaal anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla. info
التفاسير:

external-link copy
26 : 36

قِيلَ ٱدۡخُلِ ٱلۡجَنَّةَۖ قَالَ يَٰلَيۡتَ قَوۡمِي يَعۡلَمُونَ

26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan4. info

4. Ninkaa waxaa la odhan jirey Xabiib oo ahaa geed qore, sidaas darteed baa waxaa loo yiqiin Xabiib Al-Najjaar. Inta aysan nafta ka bixin waxaa soo degay malaa’ig ugu bishaaraysay in loo dhaafay dhammaan dunuubtiisa oo uu geli doono Jannada. Magaaladaas waxay ahayd Antaakiya.

التفاسير:

external-link copy
27 : 36

بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ

27. Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay! info
التفاسير: