আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

external-link copy
118 : 3

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ بِطَانَةٗ مِّن دُونِكُمۡ لَا يَأۡلُونَكُمۡ خَبَالٗا وَدُّواْ مَا عَنِتُّمۡ قَدۡ بَدَتِ ٱلۡبَغۡضَآءُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَمَا تُخۡفِي صُدُورُهُمۡ أَكۡبَرُۚ قَدۡ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ

118. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose (sokeeyayaal, idinkoo la wadaagaya sirahiinna) kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn (Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta), oo aan ka gaabinayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, waxay laabahoodu qarsadaan baana weliba ka sii weyn. Waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad fahmeysaan. info
التفاسير: