আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
53 : 3

رَبَّنَآ ءَامَنَّا بِمَآ أَنزَلۡتَ وَٱتَّبَعۡنَا ٱلرَّسُولَ فَٱكۡتُبۡنَا مَعَ ٱلشَّٰهِدِينَ

53. Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo Waxyi ah, oo raacnay Rasuulka, ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada(ummadda Nabi Muxamad). info
التفاسير:

external-link copy
54 : 3

وَمَكَرُواْ وَمَكَرَ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ

54. Oo tab ayey dhigeen, Allena (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Allaana ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa. info
التفاسير:

external-link copy
55 : 3

إِذۡ قَالَ ٱللَّهُ يَٰعِيسَىٰٓ إِنِّي مُتَوَفِّيكَ وَرَافِعُكَ إِلَيَّ وَمُطَهِّرُكَ مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَجَاعِلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوكَ فَوۡقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ ثُمَّ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡ فِيمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ

55. (Xus) markuu Alle yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa (seexin dhimasho la'aan) oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga (jidh iyo ruuxba), oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya (Xujo ahaan) kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, waana idiin kala garsoori dhexdiinna waxaad isku khilaafsaneydeen. info
التفاسير:

external-link copy
56 : 3

فَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَأُعَذِّبُهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗا فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ

56. Ee ma kuwa gaalooba, waxaan cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci). info
التفاسير:

external-link copy
57 : 3

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُوَفِّيهِمۡ أُجُورَهُمۡۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلظَّٰلِمِينَ

57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, wuxuu u oofin abaalgudyadooda oo dhan. Allena ma jecla daalimiinta (gar diidka). info
التفاسير:

external-link copy
58 : 3

ذَٰلِكَ نَتۡلُوهُ عَلَيۡكَ مِنَ ٱلۡأٓيَٰتِ وَٱلذِّكۡرِ ٱلۡحَكِيمِ

58. Kaa baan ku akhriyeynaa (Qur’aanka) oo Aayado ah iyo waano xikmad leh. info
التفاسير:

external-link copy
59 : 3

إِنَّ مَثَلَ عِيسَىٰ عِندَ ٱللَّهِ كَمَثَلِ ءَادَمَۖ خَلَقَهُۥ مِن تُرَابٖ ثُمَّ قَالَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

59. Mataalka Ciise xagga Alle waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray carro, markaasuu ku yidhi: Ahow, wuuna ahaaday. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 3

ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ

60. (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka. info

3

التفاسير:

external-link copy
61 : 3

فَمَنۡ حَآجَّكَ فِيهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ فَقُلۡ تَعَالَوۡاْ نَدۡعُ أَبۡنَآءَنَا وَأَبۡنَآءَكُمۡ وَنِسَآءَنَا وَنِسَآءَكُمۡ وَأَنفُسَنَا وَأَنفُسَكُمۡ ثُمَّ نَبۡتَهِلۡ فَنَجۡعَل لَّعۡنَتَ ٱللَّهِ عَلَى ٱلۡكَٰذِبِينَ

61. Qofkii se kaala dooda arrinkan, kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Alle ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha. info
التفاسير: