ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ්

Al-layl

external-link copy
1 : 92

وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰ

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 92

وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ

2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto); info
التفاسير:

external-link copy
3 : 92

وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ

3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 92

إِنَّ سَعۡيَكُمۡ لَشَتَّىٰ

4. Camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 92

فَأَمَّا مَنۡ أَعۡطَىٰ وَٱتَّقَىٰ

5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 92

وَصَدَّقَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ

6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada): info
التفاسير:

external-link copy
7 : 92

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡيُسۡرَىٰ

7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka). info
التفاسير:

external-link copy
8 : 92

وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسۡتَغۡنَىٰ

8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya). info
التفاسير:

external-link copy
9 : 92

وَكَذَّبَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ

9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada). info
التفاسير:

external-link copy
10 : 92

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡعُسۡرَىٰ

10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta); info
التفاسير:

external-link copy
11 : 92

وَمَا يُغۡنِي عَنۡهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ

11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 92

إِنَّ عَلَيۡنَا لَلۡهُدَىٰ

12. Annagaa (Alle ah) wax hanuuninna, info
التفاسير:

external-link copy
13 : 92

وَإِنَّ لَنَا لَلۡأٓخِرَةَ وَٱلۡأُولَىٰ

13. Oo Annagaa leh Aakhiro iyo adduunba. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 92

فَأَنذَرۡتُكُمۡ نَارٗا تَلَظَّىٰ

14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 92

لَا يَصۡلَىٰهَآ إِلَّا ٱلۡأَشۡقَى

15. Uusan galaynin qof xun mooyaane. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 92

ٱلَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 92

وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلۡأَتۡقَى

17. Waxaa laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). info
التفاسير:

external-link copy
18 : 92

ٱلَّذِي يُؤۡتِي مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ

18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo. info
التفاسير:

external-link copy
19 : 92

وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعۡمَةٖ تُجۡزَىٰٓ

19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 92

إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِ ٱلۡأَعۡلَىٰ

20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 92

وَلَسَوۡفَ يَرۡضَىٰ

21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi. info
التفاسير: