Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob

Número de página:close

external-link copy
30 : 2

وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي جَاعِلٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ خَلِيفَةٗۖ قَالُوٓاْ أَتَجۡعَلُ فِيهَا مَن يُفۡسِدُ فِيهَا وَيَسۡفِكُ ٱلدِّمَآءَ وَنَحۡنُ نُسَبِّحُ بِحَمۡدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَۖ قَالَ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ مَا لَا تَعۡلَمُونَ

30. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan yeeli dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad yeelaysaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga oo ku hufna, oo ku xurmo weyneyna. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 2

وَعَلَّمَ ءَادَمَ ٱلۡأَسۡمَآءَ كُلَّهَا ثُمَّ عَرَضَهُمۡ عَلَى ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ فَقَالَ أَنۢبِـُٔونِي بِأَسۡمَآءِ هَٰٓؤُلَآءِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

31. Wuxuu (Alle) baray Aadam magacyada shey waliba, markaasuu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddaad run sheegaysaan. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 2

قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ لَا عِلۡمَ لَنَآ إِلَّا مَا عَلَّمۡتَنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ

32. Waxa yidhaahdeen: "Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan. Ma lihin cilmi aan aheyn waxaad na bartay". Hubaal waa Adiga wax kasta Ogaha, Xakiimka ah. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 2

قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ أَنۢبِئۡهُم بِأَسۡمَآئِهِمۡۖ فَلَمَّآ أَنۢبَأَهُم بِأَسۡمَآئِهِمۡ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ غَيۡبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَأَعۡلَمُ مَا تُبۡدُونَ وَمَا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ

33. (Alle) wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu (Alle) yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan Anigu Ogahay waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, waxaana Ogahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaan? info
التفاسير:

external-link copy
34 : 2

وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ وَٱسۡتَكۡبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

34. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam (waa rukuuc salaan ah), markaasay sujuudeen (rukuuceen salaan ahaan) Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ahaaday mid ka abaal dhaca Alle (oo ku caasiya Amarkiisa). info
التفاسير:

external-link copy
35 : 2

وَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ ٱسۡكُنۡ أَنتَ وَزَوۡجُكَ ٱلۡجَنَّةَ وَكُلَا مِنۡهَا رَغَدًا حَيۡثُ شِئۡتُمَا وَلَا تَقۡرَبَا هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ

35. Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada, oo ku cuna bashbash iyo barwaaqo meeshaad doontaanba, hase u dhowaannina geedkan, si aydaan ugu dhicin gef (denbi). info
التفاسير:

external-link copy
36 : 2

فَأَزَلَّهُمَا ٱلشَّيۡطَٰنُ عَنۡهَا فَأَخۡرَجَهُمَا مِمَّا كَانَا فِيهِۖ وَقُلۡنَا ٱهۡبِطُواْ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ وَلَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُسۡتَقَرّٞ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٖ

36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 2

فَتَلَقَّىٰٓ ءَادَمُ مِن رَّبِّهِۦ كَلِمَٰتٖ فَتَابَ عَلَيۡهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ

37. Markaasuu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey8, wuuna ka toobad aqbalay. hubaal (Alle) waa Toobad Aqbalaha, Naxariista Badan. info

8. Alle wuxuu baray Aadam kelmedo lagu toobad dalbo uu ka aqbalay, waana kelmedaha ku soo arooray Suuradda Al- Acraaf Aayadda: 23.

التفاسير: