62. Kursiga waa halka cago dhigashada Alle Cazza Wajalla, mana jiro cid og sida uu yahay, waana inaan la isku khaldin Kursiga iyo Carshiga, Carshiga waa ka weyn yahay Kursiga oo wuxuu u yahay sida farraati yar ee lagu tuuray dhul hayjad ah. waxaa sidoo kale lagu fasiray Kursiga Cilmiga Alle.
63. Nabigu s.c.w. wuxuu mar weydiiyey Ubay bin Kacab: Aayaddee baa u weyn Qur’aanka? Ubay wuxuu ku jawaabay: Alle iyo Rasuulkiisa baa iga sii ogsoon. Markaasuu Nabigu s.c.w. mar kale weydiiyey: Ubay wuxuu yidhi: Aayatul Kursi. Markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha kuu shifoobo cilmiga Abuu Mundirow.
64. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii akhrista Aayatul Kursi habeenka marka uu seexanayo wuxuu Alle u yeelaa malag waardiya ah oo ilaaliya, umana soo dhowaado shaydaan ilaa waagu baryo”.
65. Daaquud waa shaydaan iyo wax kastoo la caabudo Alle sokadi oo ku raalli ah arrinkaa. Waxaa soo galaya sidoo kale sanammada, arwaaxda, dadka la caabudo, iwm.